25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Boqorka Sacuudiga oo hakiyay dhaqaale xoogan oo loogu deeqay Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa si KMG ah u hakisay dhaqaale xoogan oo dhawaan la sheegay in loogu deeqay dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhaqaalahani oo markii hore uu amray boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, ayaa dib loo hakiyay kadib mowqifka ay Somalia ka qaadatay xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar.

Lacagtaani oo cadad ahaan la sheegay inay dhan tahay 50 milyan ayaa lagu xanibay Bankiga Sacuudiga, xili uu bixinteeda uu amray boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, oo dib uga laabtay amarka bixinta lacagtaasi.

Lacagtaani hakat-ka gashay ayaa waxaa loogu tallo galay in lagu kabo miisaaniyada dowlada Federaalka oo hoos u dhacsan, waxaana sidaa ku fashilmay qorshihii laga lahaa dhaqaalaha uu bixin lahaa Sacuudiga.

Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa dib ula laabatay ballanqaad ku aadanaa fulinta mashaariicyo dhowr ah oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka ay dowlada Federaalka ka istaagtay xiisada Sacuudiga iyo Qadar ayaa saameyn xoogan ku yeeshay mashaariicda ay dowlada Sacuudiga ka fulin laheyd Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News