Xog: GAAS oo wasaaradda arrimaha dibada Ethiopia ka codsaday hal arrin..!!

Garoowe (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka C/weli Gaas uu warqad codsi ah u gudbiyay Wasaarada arrimaha dibadda Ethioipia.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Gaas uu wasaarada ka dalbaday in loo qabto muddo uu kula kulmo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa ka siyaasad duwan madaxdii hore ee Ethiopia, waxa uuna tan iyo markii xilkaasi loo doortay hakiyay kulamada aan micnaha laheen ee dalkiisa ay u tagaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo ay ku jirto Somaliland.

C/weli Gaas ayaa aad u daneynaaya la kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed, waxa uuna qorshihiisa koowaad yahay inuu ka dalbado kawada shaqeynta amniga iyo howlaha kale ee mideynkara labada dhinac.

Gaas oo hadda ku sugan magaalada Brussels ee Dalka Belgium, ayaa doonaaya in halkaa uu kasii aado magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waa haddii uu helo  jawaabta uu ka sugaayo Wasaarada arrimaha dibadda Ethiopia, wallow uu aad u mashquulsan yahay Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale, Madaxda Soomaalida iyo Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa horay ugu heshiiyay in wixii khuseeya maamulada Soomaalida sida casuumaadaha iyo shirarka dibadda lasoo mariyo dowlada Somalia, si loo dhowro madaxbanaanida.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn jawaabta uu C/weli Gaas kala kulmi doono Wasaarada arrimaha Dibadda Ethiopia maadaama Ra’isul wasaare Abiy Axmed uusan ahmiyad u arag la shaqeynta maamulada Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com