M/Goboleedyada oo arrin dhibaato ku noqoneysa DF ka codsaday B/Caalamka

Brussels  (Caasimadda Online) – Shirka lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Brussels ee Dalka Bulgium-ka ayaa watay Duufaan culus oo Dowlada Soomaaliya kasoo wajahday Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Dowladaha kasoo qeyb galay shirka ku dacweeyay inay xuquuqda ay ku leeyihin dalka aysan helin.

Arrinta ugu xasaasineyd ee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ku bahdileen Dowlada ayaa aheyd iyagoo Dalalka Deeq bixiyaasha Caalamka ka codsaday in Lacagaha ay ku taageerayaan aysan Dowlada Soomaaliya usoo marsiin oo iyaga ay toos ugu soo wareejiyaan taasoo noqoneysa caqabad cusub oo ka dhex dhalatay Dowlada iyo Maamulada hoostaga.

Sidoo kale Madaxda Maamul Gobaleedyada waxay ku eedeeyeen Dowlada dhexe inaysan fulin qodobada kasoo baxa shirarka ka dhaca Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday talaabooyinka ay qaadeen Madaxda Maamul gobaleedyada oo fashiliyay qorshaha dowlada Soomaaliya ay ka laheyd Beesha Caalamka oo ahaa inay maalgaliso dalka isla markaana dib u dhis ay ku sameyso Xarumaha burbursan iyo Waddooyinka waa weyn.

Beesha Caalamka ayaa hore dowlada Soomaaliya ugu xirtay Shuruudo ay ka mid yihiin inay meel iska saarto Musuq maasuq oo eedaha loo jeediyo marka ay soo cadeyso la siin soono qarashka kasta oo Soomaaliya lagu hormarinayo laakiin Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa dadaalkii dowlada fashiliyay inkastoo balanqaadyo ay sameeyeen dalalka Midowga Yurub.

lama ogo sida ay Beesha Caalamka ku aqbali karto codsiga ay usoo gudbiyeen Madaxda Maamul Goboleedyada Somaaliya waxaana arrintaas garab socdo dadaal ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kaga hortagto qalalaasaha ay wadaan maamulada.

Waxaa muddo soo jiimatay khilaaf u dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, wuxuuna asal ahaan salka ku hayaa go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Maamul Goboleedyada iyo sida loo qeybsanayo lacagaha laga helo beesha caalamka.

Shirka Brussels lagu soo gabagabeeyey ayaa waxaa isku wareysanayey xubnaha beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya waxaana looga hadlayey arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd lacagaha deeqaha ah iyo Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
Caasimada@live.com