25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

XOG: Cabdi Weli Gaas oo duullaan ku ah Galmudug iyo diyaar garoow socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu kasoo horjeedo Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar la xiriira in Maamulka Puntland uu diyaarinaayo dagaalo ay ku doonayaan inay kula wareegan Garoonka diyaaradaha macmalka ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug, oo ah halka inta badan uu ka dhasho Khilaafka labada Maamul.

Gaas ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu damacsan yahay la wareegida deegaano ay xiligaani ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Galmudug, kuwaasi oo sida uu aaminsan yahay maamul ahaan ay xaq u leedahay Puntland, balse aan la garankarin xaqiiqda dhabta ah.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu maalmihii dhowaa si qarsoodi ah ciidamo badan ugu soo gurayey magaalada Gaalkacyo, oo labada dhinac ay ka kala degaan laba qeyb.

Qorshaha duullaanka Cabdiweli Gaas, ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan Ciidamo ka amarqaata Madaxweyne Gaas ay duullaan ku qaaden Ciidamo taabacsanaa Galmudug oo ku sugnaa qeybo kamid ah deegaanka Saaxo oo uu Gaas dhawaan u aqoonsaday Degmo buuxda.

Is-fahan waaga Siyaasadeed ee ka dhextaagan Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa ah mid bilowday xiligii lagu dhawaaqay in la dhisaayo maamul lagu mideynaayo Galmudug iyo Galgaduud islamarkaana loogu wanqali doono Maamulka Gobolada Dhexe, hayeeshe waxaa Arrinkaasi uu walaac galiyay Maamulka Puntland, oo dhib u arka nabad iyo maamul ka hana qaada gobollada dhexe, waana tan keentay in Puntland ay arbushaad kula dhaqaaqdo Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News