25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Cabdiraxmaan IBBI oo waji gabax kala kulmay beeshiisa.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan Beesha Biyamaal, ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha ay kalsoonida u diideen Siyaasiga C/raxmaan Xaaji Aaden (Ibbi) oo isaga doonaaya inuu kamid noqdo Baarlamaanka cusub ee xulistiisa ay socto.

Odayaasha Beesha Biyamaal oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha ee dooneysa inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ayaa cod dheer ku sheegay in C/raxmaan Xaaji Aaden (Ibbi) uusan kamid noqon doonin Baarlamaanka cusub.

Odayaasha ayaa sheegay in Ibbi uu dhowr jeer ku gacanseeray dadaalada ay kaga baahneyd Beesha sidaa aawgeedna ay u aqoonsadeen siyaasi aan Beesha ku matali karin Baarlamaanka cusub.

Odayaasha ayaa sidoo kale la sheegay in si ganbasho la’aan ah ay C/raxmaan Xaaji Aaden (Ibbi) ugu sheegen inaanu ka raali noqon doonin in dhanka Beesha uu kasoo galo Baarlamaanka.

C/raxmaan Xaaji Aaden (Ibbi) ayaa kamid ah siyaasiyiinta laga wada garanaayo dalka islamarkaana horay usoo qabtay xilal kala dowan.

Geesta kale, waxaa iminka Odayaasha Beesha iyo Siyaasiga C/raxmaan Xaaji Aaden (Ibbi) u wada socda wada hadal inkastoo aan la ogeyn go’aanka kale oo ay qaadan doonaan odayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News