Jibriil Ibraahim oo kashifay sirtii DF ($ 4 bilyan ayaa soo gashay).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Ibraahim Cabdulle oo lagu wado in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Siyaasada ay isticmaasho DFS ee iminka gabalkeeda sii dhacaaya iyo dhaqaalaha soo galay tan iyo markii xilka uu qabtay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa sheegay in DFS ee iminka sii dhacysa ay soo gashay dhaqaalaha ugu badan, waxa uuna tilmaamay in dhaqaalahaasi aan la garaneynin halka la mariyay ilaa iyo hadda.

Jibriil Ibraahim Cabdulle, waxa uu sheegay in dhaqaalaha soo galay DFS uu aad u badan yahay hadana aysan jirin cid looga faa’iideeyay miisaaniyadaasi.

Isaga oo ka hadlaayay dhaqaalaha soo galay DFS ee hadda sii dhaceysa waxa uu yiri ”DFS waxaa soo galay dhaqaalihii ugu badnaa oo cadadkeeda uu dhanyahay afar bilyan iyo bar oo ah dollarka Maraykanka laga soo bilaabo sanadkii 2014 ilaa 2016”

”Dhaqaalahaani waa tii ugu badneyd oo soo gasha dowlad Soomaaliyeed oo magaceeda lagu bixiyay, nasiib darro waxa ay dowlada sheegtaa inaan soo gaarin lacagtaasi waa arrin u baahan in il gaar ah lagu fiiriyo”

Jibriil Ibraahim Cabdulle, waxa uu sheegay in adduunka uu u gurmaday Somalia balse aysan jirin qaababkii lagu maareyn lahaa lacagahaasi, isaga oo cod dheer ku sheegay in xiligaani loo baahan yahay in laga gaashaanto wixii imaan doona.

Jibriil waxa uu sidoo kale, sheegay in DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh mudada ay jirto ay sameysay dhaqaale curyaamin isagoo sheegay inay dowlada u abuurin shacabka shaqooyin ay noloshooda ku deberaan, sida uu hadalka u dhigay.

Jibriil oo ka hadlaayay shaqo u abuurid la’aanta shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu DFS ku eedeeyay in kumanaan shacab ah ay ka cuuryaamisay shaqooyinkeeda waxa uuna yiri ”Waad la soctaan wixii ka dhacay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho dowladu waxa ay shaqadii ka joojisay 5,000 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka xoogsan jiray Dekadda iyo 700 oo baabuur oo shaqadii ay hayeen laga joojiyay taasina waxaa ku waayay nolol dad ka badan 40,000 oo ruux kuwaasi oo maanta shaqo la’aan la jooga magaalada”

Jibriil waxa uu sheegay in 4-tii sanno ee lasoo dhaafay ay Umadda Soomaaliyeed uga dhigan tahay afar sanno oo mugdi ah islamarkaana dib u dhigtay Soomaalida oo idil.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mas’uuliyada loo hayo Umadda Soomaaliyeed loo rogay mid lagu uruursanaayo dhaqaale isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri “Waxaa jira shaqsiyaad aan ogahay markii ay xilka qabanayeen inaysan haysan dhaqaale ayaa hadda waxa ay ku xisaabtamayaan malaayiin dollar oo ah lacagtii ummadda ay lahayd.”

Isaga oo hadalkiisa siiwata ayuu Jibriil yiri ”Waxaa hubaal ah in xoriyada iyo calanka ummada Soomaaliyeed uu mugdi galay dalkana kalsooni darro ay ka jirto maamulka dalkana ay koox yar ku soo koobantay”.

Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa si dadban iyo si muuqataba u cadeeyay in Madaxda iminka heysa talada dalka ay gabi ahaan yihiin kuwo u tartamaaya Musuq-maasuq iyo Eex waxa uuna meesha ka saaray inay ku jirto waxa loogu yeero wadaniyad.

Dhanka kale, waxa uu Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fakiraan danahooda islamarkaana ay la imaadaan fakir ka duwan kan iminka ay ugu sacaba tumayaan dadka ku heebta ah ee dalka haligaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com