John Kerry oo balanqaad culus u sameeyay Soomaaliya (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday iney taageero dheeri ah ku bixin doonaan doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya oo lagu soo dooranayo hogaanka dalka Soomaaliya.

Ujeedada taageerada dheeriga ah loogu bixinayo doorashada dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay in sidii loogu talo galay ay u dhacdo doorashada sanadkaan.

John Kery oo ah xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay balankaasi, wuxuuna sheegay iney doonayaan doorasho xalaal ah oo ka dhacdo dalka Soomaaliya bisha Agoosto ee sanadkaan.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka dowladda Mareykanka John Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageerayso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimuqraaddiyadda iyo sidoo kale hormarka Soomaaliya.

John Kerry ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid ku dhacda dimuqraddiyad iyo ammaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com