BEESHA CAALAMKA oo u geftey odayaasha Soomaaliyeed, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya dhaliilaha ay Wakiilada Beesha Caalamka u jeedinayaan Odayaasha dhaqanka Soomaalida kuwooda ku shaqada leh soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka bedeli doona kan iminka shaqeeya.

Wakiilada ayaa Odayaasha ku dhaliilay in Xildhibaanada ay kusoo xulayaan rabitaankooda gaarka balse aysan kusoo xulin howlkarnimada.

Danjirayaasha dowladaha Jarmalka, Talyaaniga, Swedan, Mareykanka iyo Britain ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay Odayaasha u xulayaan Xildhibaanada waxa ayna si wada jir ah u sheegen in loo baahan yahay in Odayaasha dhaqanka ay soo xulaan Xildhibaano aan saaxiib u aheyn musuqa iyo siyaasada la xiriirta Gobol jecleysiga.

Wakiiladu waxa ay sheegen in Odayaasha qaar ay dhaqaale kusoo xulayaan Xildhibaanada cusub waxa ayna ka digeen in Odayaasha ay si dadban u iibsadaan xilalka ay mas’uulka ka yihiin.

Sidoo kale, waxa ay sheegen inay jiraan xogo ay ka helayaan qaabka ay maamulada dalka usoo xulaan Xildhibaanada cusub waxa ayna tilmaamen in wadooyin khaldan loo maraayo nidaamka lagu soo xulaayay Xildhibaanada.

Docda kale, dhaliisha ka soo yeertay wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Somalia ayaa daba socta dhaliilo ay jeedinayaan siyaasiyiinta qaar ee dhibaatada kala kulmaaya raadinta xubinimada Baarlamaanka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com