“Ma ahan inaan ku faraxno 1-da July ee waa inaan asaay xiranaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahana Duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay 1-da maalintii xoriyada ayaa sheegay inaanay jiri farxad lagu xuso maalintaan weyn,islamarkaana dalka wali Gumeysi uu ku jiro.

Mr Tarsan oo si weyn u amaanay halgankii 13-kii dhalinyaro (SYL) ayaa hoosta ka xariiqay in meeshii ay dhalinyaradan howl ka soo bilaabeen 56-sano ka hor hada laguna celinayo.

Wuxuuna Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir tilmaamay in dalka uu ku jiro gumeysi cad,loona baahan yahay in Ummada Soomaaliyeed ka dhiidhiso,isagoo dhan kale tilmaamay in Shacabka Xuduud xuduud loo kala qeybinayo.

Hoos ka daawo muuqaalka