Kenya oo xasuuqday shacab aan wax galabsan kadib weerarkii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ayaa xasuuqay dad shacab ah kuwaasi oo ka ag dhawaa goob lagu rasaaseeyay laba Bas oo marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ciidamada oo xiliga weerarkaasi ku sugnaa masaafo ka fog goobta lagu weeraray labada Bas, ayaa goor danbe waxa ay rasaas ooda uga qaaden dad shacab ahaa oo isticmaalaayay wadada uu weerarka ka dhacay iyaga oo dusha ka saaray dadkaasi danbiga weerarkaasi.

Ciidamada Kenya ayaa si ula kac ah u dilay ku dhawaad Lix ruux oo ay sheegen inay ka danbeeyen weerarka kuwaasi oo wakhti danbe la xaqiijiyay inay ahaayen kuwo reer mii ah oo kusii jeeday goobaha shaqadooda.

Xasuuqa loo geystay dadkaasi ayaa waxaa ka danbeeyay Seddex gaari oo ay la socdeen ciidamada Kenya oo iyagu aad uga careysnaa weerarka lagu qaaday basaskaasi.

Saraakiisha Milliteriga Mandheera ayaa Jeelka dhigay ilaa Afar Askari oo geystay xasuuqa shacabkaasi reer miiga ah waxaana la sheegay in baaritaano lagu sameynaayo sababta ay u dileen dadkaasi shacabka ahaa.

Ciidamada qaar ee la socday gaadiidkaasi ayaa qiray in dadka la xasuuqay ay ahaayen kuwo shacab ah oo aan ku lug laheyn weerarka Basaska lagu qaaday.

Basaska la weeraray ayaa waxaa lagu dilay 8 ruux, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 Qof.

Ma cadda sababta ka danbeysay in ciidamadaasi ay xasuuqaan dadka shacabka ah ee maraayay meel aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu weerarka ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com