Mareykanka oo xayiraaddii ka qaaday Axmed Nuur Jimcaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda dalka Mareykanka xafiiskeeda xayiraadda ayaa waxaa aay ka saareen liiska cunaqabateynta ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Waxaa inta badan lagu daraa liiska cunaqabateynta shaqsiyaadka loo arko in aay khatar ku yihiin ammaanka iyo xasiloonida dalka iyo dadka Mareykanka. Axmed Nuur Jimcaale waa ganacsadaha ugu lacagta badan dalka Soomaaliya guud ahaan.

Sanadkii 2001 waxaa uu ahaa Axmed Nuur Jimcaale milkiilaha ugu saamiga badan shirkaddii Barakaat, wixii ka danbeeyay Sept 2011 markii diyaarado lagu weeraray dalka Mareykanka ayaa dowladda Mareykanka waxaa cunu qabateyn aay ku soo rogtay Shirkadda Barakaat iyo milkiilaheeda, waxaa aayna qaadatay muddo 15 sano in magaciisa iyo midda shirkaddaba lagu waayo in aanu wax qalad ah uusan galin macluumaadka loo soo gudbiyay dowladda Mareykankana uu ahaa mid aan raad lahayn.

Cunaqabateynta ayaa waxaa aay hoos u dhac weyn ku sameysay dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Waa guul u soo hoyatay dhammaan shacabka iyo dalka Soomaaliya, waayo Axmed Nuur Jimcaale waa shaqsi aay aad ugu weyn tahay Soomaalinimada iyo waddan jaceylka. Waxaa shirkadda Hormuud iyo waaxyaheedaba ka shaqeeya shaqaale kor u dhaafay 100.000 waana shirkadda ugu badan oo shaqaaleysay Soomaali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com