Xog: Caqabado iyo mar kale dib u dhigay shirkii Farmaajo iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar oo soo baxaya ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka oo ahaa mid aad loo wada sugayey ayaa waxaa maalin ka hor iclaamiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa u sheegay Caasimada Online in weli uu jiro is mari-waa u dhexeeyo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, waxaana haatan socda kulamo gooni-gooni ah.

Sida aan xogta aan ku helnay, Jubaland ayaa dooneysa in la fuliyo qaar ka mid ah qodobadii ay horey u dalbatay ee dowladda ay ballan-qaaday ee la xiriiray gobolka Gedo, waxayna dooneysaa in dowladda ay qaado tallaabooyin muujinaya inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyadaas..

Wararka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo u dhaxeeya maamul goboleedyada oo aan weli la caddeyn waxa ay yihiin, waxaana la rumeysan yahay in maamul goboleedyada ay laba dhinac u kala safan yihiin.

Waxaa sidoo kale baaqday kulan casho ah oo ay lahaayeen dhammaan madax goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka, kaas oo Villa Soomaaliya soo agaasintay, lana filayey inuu xalay dhaco.

Sida ogaatay Caasimada Online shirka ayaa qorshuhu yahay inuu furmo maalintida Sabtida ah ee soo socota, waxaana inta ka horreysa sii socon doono kulamada gaar gaarka ah.

Muqdisho waxaa haatan ku sugan dhammaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka, waxaana la filayaa in shirkan go’aan mideysan looga gaaro doorashooyinka 2020/21.