Daawo: Qoor Qoor oo ‘laba wajiilenimo ku eedeeyey’ Axmed Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si dadban laba wajiilenimo ugu eedeeyey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo uu sheegay in wixii ay ku diideen shirkii Dhuusamareeb 3, ay hadda Muqdisho joogaan ayaga oo aan helin.

“Saaxiibadii naga maqnaa shirkii Dhuusamareeb-3, waad ogtihiin inay nooga maqnaayeen iyadoon Ra’iisul Wasaare la magacaabin meelna tagi meyno, laakiin hada Ra’iisul Wasaare lama magacaabin saaxiibadeena waa yimaadeene, ma waxay diidanaayeen Dhuusamareeb? mise waxay qiran la’yihiin inay ilduufeen?,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inay aaminsanyihiin in dalku xukuumadda ugu baahanyahay “Waliba waxaan leenahay deg deg haloo soo saaro, in la dhiso xukuumad ayaan sugeynaa lagamana maarmo,” ayuu yiri.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay hada Muqdisho u yimaadeen ay tahay dhameystirka heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3, kaas oo uu tilmaamay inay ka soo baxeen go’aamo dhaxalgal ah.

“Waxaad ogtihiin in gogoshii Dhuusamareeb-3 ay ku dhamaatay go’aamo dhaxalgal ah, fakar kasta oo la kala qabayna la isu tanaasulay, doorasho xalaal ah oo aan dhinac jirin inay kasoo baxday, waxaan sidoo kale halkaas ku caddeynay in walaalihii ka maqnaa ama walaal kasta oo talo haya inay taladiisu u furan tahay,” ayuu yiri.

Madaxweyne Qoor Qoor oo hadalkan jeediyey intii aysan ka soo bixin Baydhaba oo ay shir gaar ah ku yeesheen isaga iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay u socdaan oo dhageysan doonaan aragtida madaxdii ka maqneyd shirkii Dhuusamareeb.

Waxa uu sheegay in mar kasta lagu xanto inay aad ugu dhawyihiin madaxda dowladda federaalka, balse ay ku faanayaan “wax-fiicana ay u arkaan Soomaali is ogol.”

“Anaga waxaa nala yiraahdaa dowladda ayey wadashaqeyn dhow la leeyihiin, waan ku faaneynaa in Soomaali wadashaqeyn leedahay, waxaan ku faraxsanahay inaan cid walba u dhownahay isna fahansan nahay,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Hoos ka Daawo