Hadalkii William Ruto iyo damaca cusub ee KENYA

Madaxweyne Ku-Xigenynka Kiinya, Mr. William Ruto ayaa u sheegay beeralayda iyo ganacsatada qaadka Kiinya ‘’Miirowga’’ in ay sugaan waqti dheer ka hor inta aysan dib u furmin suuqyadoodii Somaliya, ilaa doorashada Somalia ka soo idlaanayso 2021-ka.

Madaxweyne Ku-Xigeenka, oo la hadlaya TVga Weru ee Kiinya laga leeyahay ayaa sheegay in wadahadaladii kala dhexeeyey dalka Soomaaliya ee ku aaddanaa dib-u-furidda suuqa qaadka miirowga uu dib-u-dhac ku yimi ilaa iminkana ku soo dhamaaday guuldarro iyo Isfaham-waa, waqti ay iminka madaxda Soomaaliya ku mashquulsan yihiin doorashooyin. Wuxuu raaciyey in ay Soomaaliya ay dalkeeda ka mamnuucday qaadka miirowga, si gorgortan looga galo muranka badda, isla markaana ku booriyey beeraleyda qaadka in ay u weeciyaan dadaalkooda beerida dalagyo kale si ay uga gaashaantaan dharbaaxada uga timid suuqa Soomaaliya.

Waxaase la yaab lahayd in Madaxweyne Ku-Xigeenku hadalkiisa uu ku soo gabagabeeyo in wada-hadallada ku aadan ganacsiga qaadka ee ay la galayaan Soomaaliya dib u bilaabi doonaan kadib marki ay dhacdo doorashooyinka Soomaaliya 2021ka. Hadalkaas oo lagu fasiray in wada-hadaladaas lala sugayo inta uu Farmaajo kursiga ka baneeynayo waaba haddii ay dhacdo, taas oo ka dhigan in ay Kiinya taageeradeeda isugu gayn doonto musharraxiinta kale ee la tartamaya Farmaajo 2021ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu xirtay shan shuruudood ka hor qaadista xayiraadda saaran soo dejinta qaadka miirowga oo ay ka mid ahaayeen in; Kiinya ay ula dhaqanto Soomaaliya si lamid ah sida Soomaaliya ula dhaqanto Kiinya, isla markaana ka waantowdo faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, raali-gelinna ka bixiso ku xadgudubka hawada Soomaaliya, una oggolaato dalkeeda badeecadaha ka yimaada Soomaaliya oo ay ku jiraan kalluunka, bariiska, sonkorta, malabka, hilibka iyo caanaha. Ugu dambayn, Soomaaliya ayaa ku xirtay Kiinya in ay joojiso leexashada duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya ay ku leexinayso Wajeer si baaris dheeraad ah loo mariyo. Kiinya waxay suuqyada Soomaaliya ee qaadka miirowga ka heshaa adduun ku dhow USD 154 malyan sanadkii.   

Kiinya horey ayey u sheegeen in ay gacanta ku hayaan 93 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannada Dawladda Federaalka iminka jooga ayna awood u leeyihiin in ay qalqaaliyaan qabashada cod kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Madaxenaha qaranka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uusan tagin miiska wada-hadallada ee Kiinya. Hadalkaa waxa ay Kiinya u soo marisey Soomaaliya David Matsanga, guddoomiyaha madasha Pan-Africa ee u dhashay dalka Uganda fadhigiisuna yahay Nairobi. David Matsanga waxa uu u ololeeyey in dacwadda badda ee ka dhex alloosan Soomaaliya iyo Kiinya uusan marna goobjoog ka ahaanin guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo dhalashadiisu tahay Soomaali.

Shaki kuma jiro in xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan oo Soomaali ah ay gacan-saar la leeyihiin Kiinya si ay u gaaran damacooda gaarka ah oo ay inta badan ka hormariyaan danta qaranka. Waxaa sidoo kale ganacsiyo waawayn ku leh dalka Kiinya Soomaali badan oo saameen ku leh siyaasadda Soomaaliya kuwaas oo aan marnaba doonayn in laga hadlo gardarrada Kiinya ku hayso Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxa ay dadaal badan ku bixiyaan sidi waanwaan aan maslaxad u lahayn Soomaaliya looga gali ahaa ummuuraha cakiran oo ay ugu horreeyaan arrinta badda, soohdimaha iyo ganacsiga qaadka.   

Kiinya waxa ay hore ugu guulaysatay dhawr jeer in ay dib u dhigto dacwada badda, waxaana ballantii ugu danbaysana loo qabtay March 2021-ka oo ku beegan xilliga la filayo in ay soo gebageboobaan doorashooyinka dalka, Kiinya iyo xulafadeeda Soomaaliyeedna ku raja wayn yihiin in uu isbeddel dhici doono Farmaajana xilka bannayn doono. Hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo dib u dhigista joogtada ah ee dacwada badda waxa ay marqaati cad u tahay in Kiinya dhibsatay waxtarka Farmaajo uuna ka hor-taagan yahay damaca gurracan ee ay dawladda Kiinya ka leedahay dalka Soomaaliya.

Damaca Kiinya intaa waa uu ka sii fogyahay; oo qoraa Kiinyaati ah ayaa hada ka hor daaha ka qaaday istiraatiijiyadda Geeska Afrika ee sanadka 2036-ka, istiraatiijiyaddaa oo ah mid dhinacyo badan taabanaysa ayaa ku jirta in dhulka Soomaalida lagu kala daro Itoobiya iyo Kiinya si dadkeeda iyo khayraadkeedaba loo qaybsado.

Waxaa xusid mudan in Kiinya ay dabada ka riixayso in Alshabab lagu daro liiska argagaxisada adduuka sida ku cad qaraarka lambarkiisu yahay 1267, laakiin Golaha Amaanka ayaa iska diiday codsigaa, kadib markii hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ay muujiyeen walaac ku saabsan gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale u aragtaa tallaabadaa mid cunaqabateyn iyo xayiraad ku kordhinaysa Soomaaliya sidaa darteedna ay ka hor-timid soo jeedintaa fashilantay.

Kiinya horey ayay walaac uga muujisay shaqaale badan oo shaqadooda waaway kadib markii ay safaarado badan, hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale ee caalamiga ah ay hoos u dhigeen joogitaankooda Nairobi, taa badalkeedana xafiisyo ka furteen Muqdisho. Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelatay dhaqaalaha Kenya.

Tan iyo intii uu xukunka Soomaaliya qabtay Madaxweyne Farmaajo billowgii 2017-ka, waxaa xaqiiq ah in uu wax wayn ka baddalay siyaasadda dibedda Soomaaliya, haybaddeedii iyo sharaftii Soomaaliyana dib u soo celiyey. Waxaa ugu wayn damaca Farmaajo hor-taagan yahay faragalinta Kiinya ku hayso maamulka Jubaland iyo taageeradooda horjooge Axmed Madoobe oo ah fuliyaha danaha Kiinya ee Soomaaliya. Axmed Madoobe wuxuu markii seddexaad si sharci darro ah isugu doortay Kismaayo Madaxweynaha Jubaland asaga oo dulmi iyo gummaad ku haya shacabka Jubaland gaar ahaan shacabka gobolka Gedo garabna ku siiyay Kiinya in ay gabood fallo ka gaysato gobolkaa.

Gebogebadii, waxaan ku boorinayaa in mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya muddo kordhin u sameeyaan Farmaajo inta uu kiiska badda dhinac u dhacayo guulna laga gaarayo Jubaland-na gacanta Soomaaliya dib loogu soo celinayo. Waxaana rajaynayaa in Farmaajo dib u soo laabto muddo xileed kale ama uu yimaado Madaxweyne la feker ah Farmaajo si Soomaaliya ay gaashaanka ugu dhigto damaca shisheeye.

Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: ahmedfiqi2018@gmail.com