Muxuu yahay qorshaha ay DF Soomaaliya Muqdisho ka billowday shalay ee cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furtay shir ku saabsan qorshe cusub oo lagu hir-galinayo istiraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyo sidoo kale dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa.

Shirkaasi oo uu daah-furay sii-hayaha wasiirka cadaalada, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu socon doona muddo labo cisho ah, kaasi oo diirada lagu saari doono dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Waxaana ka qeyb-galaya xubno ka socda maamulada dalka, wasaarada maaliyada, xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka, Bankiga dhexe, xafiiska xeer ilaalinta iyo Booliska, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galka la dagalaanka musuqa.

Xasan Xuseen Xaaji, sii-hayaha wasiirka cadaaladda dalka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay xooga saareyso shuruucda lagu maamulayo arrimaha cadaalada iyo la dagaalanka wax isdaba-marinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriiradii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Golaha wasiirada ayaa hore u meel-mariyey istaraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee saddexda sanno ee soo socota (2020-2023), iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay sii kordhayeen kiisaska musuqa ee lala xiriiriyey mas’uuliyiinta dowladda.