Xog: Cidda baahisay warqadii ay odayaasha Hawiye u dhibeen R/Wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ka dambeeyeen in la baahiyo warqadii ay Odayaasha Hawiye u dhibeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xogo muhiim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ay warqadaan gacanta u geliyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe, waxaana garab fadhiyay shan wasiir oo Hawiye ah.

Nabaddoon Muxiyaddiin Xasan Afrax oo ka mid ah odayaasha Hawiye ayaa sheegay in warqadda aysan xitaa lahayn nuqul kale, ayna u dhiibeen Rooble, balse ay la yaabeen inay ku dhex-arkaan baraha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warqadaan ku wareejiyay Xoghayaha Joogta ee Xafiiskiisa, waxaana la sheegay inuu isagana la sii wadaagay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn gaartay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Amarka ah in la-baahiyo warqadaan ayaa la sheegay in laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya kadibna lala-wadaagay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, kadibna waxay gaartay warbaahinta.

Baahinta warqadaan ayaa loo maray shaqsiyaad caan ka ah baraha Bulshada ee Internet-ka, waxeyna ugu dambeyn ku faaftay Social Media-yaha oo dhan. Odayaasha dhaqanka ayaa daqiiqado kadib loo sheegay in warqadii la baahiyay waxaana dusha laga saaray mas’uuliyada baahinta warqadaas.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa dorraad magaalada Muqdisho ka sheegay in warqadaas ay geliyeen gacan amaan ah balse markii dambe loo soo sheegay in la faafiyay.