Magacyada xildhibaanada iyo siyaasiinta culeyska ugu badan saaray Qoor-Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa wajahaya culeys badan oo uga yimid dhinaca mucaaradka, gaar ahaan siyaasiinta ka soo jeeda degaanada maamulka Galmudug oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Shaqsiyaadka Madaxweyne Qoor-Qoor culeyska saaray waxay u badan yihiin xildhibaano mucaarad ah oo markii hore u ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan, isagana uu ka shaqeeyo sidii ay ku soo laaban lahaayeen.

Qoor Qoor ayaa hadda si toos ah ugu xirmay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu ka shaqeynayo sidii meesha looga saari lahaa dhammaan xildhibaanada ay is-khilaafsan yihiin.

Xildhibaanada culeeska saaray Qoor-Qoor ayaa kala ah.

1 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa
2 – Xildhibaan Mahad Salaad
3 – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
4 – Senator Abdi Ahmed Dhuxulow dheg-dheer
5 – Senator Geelle Ugaas Dhageey
6 – Senator Abshir Bukaari iyo Xildhibaano kale.

Sidoo kale siyaasiinta culeyska saaray Madaxweyne Qoor-Qoor waxaa kamid ah siyaaisga Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame, Kamaal Guutaale. Sidoo kale wasiirada amniga iyo dekadaha oo sidoo kale ah xildhibaano ayaa qeyb ka ah dadka uu dooda kala dhaxeeyo Madaxweynaha Galmudug.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor, waxaana la sheegay in ay kawada hadleen arrimaha doorashada Soomaaliya iyo dooda laga qabo guddiyada magacaaban.

Guddiga heer dowlad gobaleed ee doorashada Soomaaliya islamarkaana kasoo gala Galmudug ayaa la sheegay in ay ku badan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamda NISA, waxaana qeyla dhaan badan ka muujiyay siyaasiin badan.