Wararkii u dambeeyey qaraxii ciidamada AMISOM lagula eegtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay mararayeen agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada AMISOM ee lala bartilmaameedsaday miinadaasi.

Inta la xaqiijyey illaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo kala ah aabe, xaaskiisa, gabar yar oo uu dhalay iyo wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxu ka dhacay.

Waa qaraxii labaad ee 24-saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoona shalay weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay nawaaxiga iskuul Buluusiya, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo isugu jira askar & dad rayid ah.