Xog: Xubnaha mucaaradka oo ‘sameysanaya’ gole iyo baabul ka socdo Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ku aadan u diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee la filayo in dalka laga qabto sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeeed ka bilaabi doono Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay caasimada soo gaari doonaan siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ka maqan dalka, waxaana xubnahaasi ka mid ah:-

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir iyo Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa haatan Muqdisho ku sugan oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo maalmo ka hor dib uga soo laabtay safaro ay ku kala tageen wadamada Jabuuti, Kenya iyo Masar.

Sida ogaatay Caasimada Online waxaa socda qorshe gaar ah oo musharraxiintan oo dhamaan u taagan xilka madaxweynaha ku ‘sameysanayaan’ gole ay ku mideysan yihiin oo la filayo in looga dhowaaqo Xamar, waxaase ka horreeya shirar ay yeelan doonaan.

Ujeedka loo dhisayo golahaasi ayaa ah in musharraxiintu ay si isku mid ah ugu wajahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Si kastaba ha’ahaatee inta badan musharraxiinta ayaa horey uga horyimid dhismaha guddiyada doorashada, iyaga oo shaaciyey in lagu soo daray shaqaale ka tirsan madaxtooyada iyo askar ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliyeed.