Sheekh Xuseen Cali oo isaga oo sujuudsan geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Xuseen Cali oo si weyn looga yaqaanay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ku dhintay masjid ku yaalla isla gudaha degmadaasi.

Marxuumka ayaa geeriyooday, xilli uu ku sugnaa Masjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur oo ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in marxuumka ay nafta ka baxday, isaga oo dukanayey Salaad Sunno ah, islamarkaana Sujuudsan, salaaddii Maqrib ka hor.

Sidoo kale dad ka mid ah Jameecada masjidka ayaa u gurmaday Sheekha, kuwaas isku dayey inay toosiyaan, balse waxaa markii dambe la ogaaday inuu dhintay marxuumka.

Jameecada ayaa sidoo kale uga baryey marxuumka oo ku dhintay khaatumo wanaagsan inuu Alle ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Qof nasiib badan ayaa hela naxariista iyo nimcada Rabbi, waana mid ka mid ah ducooyinka ugu muhiimsan oo ay muslimiintu Alle weydiistaan inuu u toosiyo khaatumada.