Xog: Ciidamadii ay DF ka dejisay gobolka Gedo oo bilaabay howl-galo culus

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo dhawaan laga dejiyay gobolka Gedo ayaa waxay qeybo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen howl-gallo cusub.

Ciidamadaan oo badanaa ka tirsanaa Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxay howl-gal ka bilaabeen deegaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo shalay ay safar dhanka dhulka ku tageen.

Howl-galadda ayaa waxa lagu beegsanaya dagaalyahanad Al-Shabaab, kuwaasi oo mararka qaar weeraro ka deegaanada, sida uu sheegay Taliyaha howlgelinta Gobolada Jubbooyinka ee dowladda Soomaaliya.

Bakaal Kooke oo howl-galada ciidanka hoggaminaya ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sugida amniga iyo ka hortegida weerarada Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab aysan joogsaneyn marnaba, illaa laga sifeynayo deegaanadas, oo laga xaqiijinayo amniga dhamaan tuulooynka hoostaga degmada Beled-Xaawo.

Deegaanadda ku teedsan Beled-Xaawo ayaa waxa mararka qaar ka dhaca weeraro kala duwan oo ay fulinayeen dagaal-yahaanada Shabaabka.

Howl-galkaan ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay laga deyrinayay Ciidamo hor leh oo ay dowladda geysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, xili ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.