Toogasho lagu dilay dilay dad badan oo ka dhacday Mareykanka (Faah-faahin)

Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gudaha dalka Mareykanka, kadib markii uu nin hubeysan weerar toos ah ku qaaday suuqa King Soopers ee magaalada Boulder oo ka tirsan gobolka Colorado.

Weerarka ayaa waxaa xigay iska hor imaad qaatay saacad, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo ninka weerarka geystay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah askari ka tirsan ciidamada ammaanka, sida uu shaaciyey Maris Herold oo ah taliyaha Booliska magaalada Boulder.

Booliska ayaa goor dambe soo afjaray weerarkan oo si toos looga daawanayey Youtube-ka, waxaana gacanta lagu dhigay nin dhaawac ah oo lagu tuhmayo toogashadaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis oo u warramay warriyeyaasha ayaa sheegay inay murugada la qeybsanayaan dadka gobolka ee dhibaatadu gaartay.

Kadib dhacdan ayaa waxaa si toos ah loola wadaagay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo looga warbixiyey toogashada ka dhacday gobolka Colorado.

Bilihii u dmabeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada toogashada ah ee ka dhacaya wadanka Mareykanka, waxaana arrimahan ay kusoo aadayaan, iyadoo bishii hore, Biden ballan qaaday in uu sameyn doono sharci lagu baarayo taariikhda dadka iibsanaya hubka.