Muxuu Cabdiraxman Caynte ka yiri canaanti Mareykanka?

Muqdisho (Caassimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya & is-mari waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Caynte oo horey u soo nqoday wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa marka hore sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay meesha ay haatan mareyso xaaladda dalka, gaar ahaan muranka hareeyey hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

“Runtii xaaladda meesha ay mareyso oo la xiriirta doorashada dalka & is mari-waaga ka taagan waa arrin wal-wal iyo walaac weyn leh oo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ka wal-walsan yahay, runtii walaac weyn sida dadka Soomaaliyeed oo kale uga qabaan ayaan anne runtii uga qabaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Cale (Caynte).

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey dadaallada ay wado beesha caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay inay xaq u leedahay inay samata bixiso Soomaaliya.

Mr Caynte oo hadalkiisa sii wata ayaa taageeray go’aankii Mareykanka, gaar ahaan canaantii & amarka la dul-dhigay madaxda Soomaaliyeed.

“Beesha caalamu dalku iyaga biila, iyagaa amnigooda baxsha een sharci & xaq-bey u leeyihiin in ay dadka Soomaalida ah la-taliyaan, u caqli celiyaan. Markii ay caqli celis garan waayaana inay canaantaan oo ay ceebeeyaana waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Qof marka haddii uu rabo inuu dal dhan halaago in laga qabto oo yac la yiraahdo waa wax meesha ku jira,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladnimada Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay bad-baado, si aan dib loogu noqon colaado & dagaallo sokeeye.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho uu ka socda shirka wada-tashiga Afisyoono oo looga hadlayo doorashooyinka, kaas oo ay soo qaban qaabisay beesha caalamka, walow aysan shalay ka qeyb-gelin Axmed Madoobe & Siciid Deni.