Xog: Qoor Qoor iyo Saciid Deni oo xalay kulmay iyo qorshe laga dhex-wado

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa kulan dhex-maray madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo lagu dhameynayey mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labada dhinac.

Kulankan oo saacado badan ayaa qaatay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey xildhibaano & Senataro kasoo kala jeeda labada maamul, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku howlanaa dadaallo la’isugu keeynayo Madaxweyne Qoor Qoor & Madaxweyne Deni.

Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye uu dhex-maray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay inay sii socoto wada-shaqeyntooda, maadaama ay daris yihiin.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen labada dhinac oo ku aadan dadaallada socday ee lagu dhameeyey khilaafka Galmudug & Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamadu ay sii socon doonaan, inta ay labada hoggaamiyey kasoo saarayaan war-murtiyeed ku aadan heshiiskooda.

Si kastabna ios faham-waaga ayaa yimid, kadib khudbadii uu SiciidDeni ka jeediyey 22-kii Febaraayo ka jeediyey Garoowe, taas oo uu dhibsaday Qoor Qoor oo isagu garwadeen ka ahaa kulamadii ka dhacay Dhuusamareeb iyo dadaalladii socday ee doorashooyinka.