Xog: Ciidamo maalintii labaad isku hor-fadhiya meel Villa Somalia u dhow + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ciidamo la duldhigay xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir, taasoo loo yaqaano Godka Jilacow, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidamadan ka tirsan hay’adda NISA ayaa kuwa loo yaqaan Duufaan, waxayna wataan gaadiidka loo yaqaano Beebaha, ayada oo la sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan xarunta, oo ay haystaan ciidan taageera ra’iisul wasaare Rooble.

Ciidanka Duufaan ayaa ah kan kaliya ee ka tirsan NISA ee taabacsan Farmaajo, waxayna u badan yihiin maleeshiyo ku beel ah, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, balse dowladda isu soo dhiibay.

Si rasmi ah looma oga sababta ciidankaan maalintii labaad loo duldhigay xarunta Godka Jilacow. Shalay gelinkii dambe ayey ciidamadaan tageen banaanka Godka Jilacow, waxaana muddo xiisad ka taagneed ay ka tageen xalay Maqrabkii.

Sidoo kale maanta ayey dib ugu soo laabteen ciidanka Duufaan waxaana Aagga Taalada Daljirka Dahson ka jira xiisad culus iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, oo u dhaxeysa ayaga iyo ciidan kale oo ka tirsan NISA.

Ciidanka Waran ee ku sugnaa Godka Jilacow ayaa shalay iyo maanta hortaagan ciidamada Duufaan, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas ka dhaco dagaal u dhaxeeya labada ciidan.

Ciidanka Duufaan ayaa raba in ay galaan gudaha Xarunta Godka Jilacow, oo ay qabsadeen waxaana u diidan kuwa Waran oo hore ugu soo diiday Xarunta Habar Khadiijo.

Ciidamada Waran, ayaa waxaa hoggaamiya sarkaalka lagu magacaabo Maxamed Xasan, oo ka amar qaata ra’iisul wasaare, kaasi oo xaqiijiyey labada xarun ee NISA, ee kala ah Habar Khadiijo iyo Godka Jilicow.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaan weli agaasimaha cusub ee NISA Bashiir Goobe geyn xarumaha NISA, inkasta oo ay haystaan ciidamo isaga taageersan, waxaana sababta ay tahay ciidanka xarunta ka jooga dibedda ee Duufaan, oo doonaya inay dagaal qarxiyaan haddii uu yimaado agaasimaha cusub. 

Rooble, oo doonaya inaanu dagaal dhicin, ayaa isku dayaya inuu arrintan ku dhameeyo wada-hadal.