Xog: Ciidan boolis ah oo loo xiray qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa loo xiray qaraxii Shalay subax ka dhacay Konataroolka Syidka, oo ka mid goobaha laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Askarta qaraxa loo xiray ayaa ilaalo ka ahaa Kontarool ay booliska leeyihiin oo ku yaala inta u dhaxeysa hoteel Wehliye iyo Isgoyska Dabka, halkaas oo la aaminsan yahay in uu soo maray gaariga isku qarxiyay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in gaarigaan uu soo maray baro kantarool, islamarkaana aysan jirin cid baartay, balse hadda loo hayo shaqsiyaad soo fududeeyay in uu halkaas gaaro.

“Dabka ilaa Sayidka ma jirto waddo aan laamiga aheyn oo gaari soo mari kara waxaana qaraxa laga soo gudbiyay Kontaroolka u dhaw Iagoyska Dabka waana la qabtay ciidankii heegankaas ku qornaa” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Askari ku sugnaa kontaroolkaan laga soo gudbay waxa uu noo sheegay in aysan gaadiidka baareen maalmahanba oo ay iska fasaxayeen kana uu qayb ka noqday kuwaas marka waa la hubinayaa askartaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan Booliiska ah.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ee ku sugan Iagoysyada iyo wadooyinka Muqdisho, ayaan waqti badan gelin baarista gaadiìdka, waxayna qaarkood weydiiyaan oo kaliya aqoonsi halka qaar kalane aysan aqoonsi weydiinin gaadiidkana aysan wax baaritaan ah ku sameynin, waana xiliyada ay badanaa jirto xaalad daganaansho ah.

Ciidamada Booliiska ee ku sugan waddooyinka Muqdisho waxaa ka muuqda dadaal, rafaad iyo daruufo adag mana lahan niyad dhisan oo ay ku howl galaan. Qaarkood waxay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo dheer heyso halka qaarkoodna ay shaqeeyaan waqti ka badan intii loogu talagalay.