Madaxda DF Soomaaliya iyo madax goboleedyada dalka oo kulan loogu yeeray

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa kulan lagu heshiinayo ugu yeeray madaxda dowladda iyo madax goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac.

Deni ayaa sheegay in xalka siyaasadeed ee dalka ee xilligaan uu u arko in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ay isugu yimaadaan madal ay ku wada hadalayaan.

Waxaa uu sheegay Deni in mar walba xalka uu yahay wada-hadal, isla markaana dowlad goboleedka Puntland ay diyaar u tahay inay u dhigto gogol ay ku wada hadlaan.

“Puntland waxaa ay mar kasta cadeyneysaa in wada-hadalka ay wax kasoo baxaan laakin aysan noqon fursad sawiro lagu wado galo balse ay noqdaan kuwo looga hadlo arrimo dhowr ah” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ka tashadaan heshiisna ka gaaraan arrimaha amniga, dastuurka, qeybsiga kheyraadka iyo deeqaha caalamiga ah, kuwaas oo ah waxyaabaha inta badan la isku khilaafo.

Hadalkaan ayaa madaxweynaha Puntland waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay markii loo doortay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaan wax xiriir la lahayn dowladda dhexe muddo bilooyin iyo sanado ah, waxaana taas ay caqabad ku noqotay qaar ka mid ah qorshayaashii qaranka.

Hoos ka dhageyso codka