Wararkii ugu dambeeyey safaarada Mareykanka ee BAGHDAD oo la weeraray

Baghdad (Caasimadda Online) – Qaraxyo ayaa laga maqlay aagga Qadka Cagaaran ee magaalada Baqdaad, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in labo madfac ay ku soo dhacday nawaaxiga Safaaradda Mareykanka.

Dhawaaqa madaafiicdan ayaa si xooggan looga maqlay aagga ay degan tahay Safaaradda Mareykanka habeenimadii Khamiista aheyd.

Booliska Ciraaq ayaa sheegay in hal madfac uu ku soo dhacay meel 100 tallaab u jirta Safaaradda.

Aagga Cagaaran ee Baqdaad ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay, waxaana maalmihii la soo dhaafay xaalad feejignaan ku jiray ciidanka ammaanka ee ilaaliya Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Ma jirto wax khasaare ah la soo wariyay oo ka dhashay weerarkan, waxaana la sheegayaa inay qeyb ka tahay weeraradan xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran oo ka dhashay dilkii Jen. Qaasim Suleymaan.