Xog: Ciidankii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo oo meel kale loo wareejiyey

Doolow (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe degmada Doolow ee gobolka Gedo geysay ciidamadii maamulka Jubbland ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka.

Dad ku sugan degmada Doolow ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka waaweyn ee Soomaalidu u taqaano Waaraadka lagu daabulay ciidamada, isla markaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taalla degaan u dhow Doolow oo lagu magacaabo Buundo-Garas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaas ay dhawaan booqan doonaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan tegaya gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo ciidamadaas dagaalka lagu qabtay, hasa yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhawaan loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Degmada Beled-Xaawo oo ciidankan lagu qabtay maalin ka hor waxaa ka dhacay dagaal dad badan ay ku dhinteen oo halkaas ku dhexmaray ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan wasiirka amniga Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka ee la geeyey gobolka Gedo.

In ka badan 30-of ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, halka ugu yaraan 40 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada qaar la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Dadkii lagu dilay dagaalkaas oo dhacay Isniintii waxaa ka mid ahaa Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo 14 qof oo isku qoys ahaa.

Xaaladda magaalada Beled-Xaawo ayaa hadda degan, waxaana ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.