25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

XOG: C/kariin Guuleed oo looga yeeray Kampala iyo dowladda Ethiopia oo taageertay qorshihiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee wasaarada Amniga DF Somalia C/kariin Xusein Gulleed looga yeeray Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandha.

Mudane ka tirsan BF Somalia kana mid ah xubnaha ololaha ugu jiro C/kariin Gulleed ayaa inoo xaqiijiyay in Gulleed uu u ambabaxay Magaalada Kampala, waxa uuna sheegay inuu marti qaad ka helay Dowlada Ugandha.

Mudanahaasi oo magaciisa ka gaabsaday sababa jiro awgeed, ayaa sheegay in Siyaasada uu isku soo sharaxaayo C/kariin Xusein Gulleed ay taageeren Dowladaha Ugandha iyo Ethiopia oo gacan Siyaasadeed ku dhex leh dalka Somalia.

Gulleed ayaa lagu wadaa in Magaalada Kampala uu kulamo gaar ah kula qaadan doono Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaasi oo iyagu siin doono garab siyaasadeed.

Dowlada Ugandha iyo Ethiopia oo Siyaasad fog ka leh Somalia ayaa xiligaani taageertay damaca Siyaasadeed ee C/kariin Gulleed ka leeyahay Maamulka cusub ee loo dhisaayo G/Dhexe ee Somalia.

Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa iyana ku dhiiratay taageerida Gulleed waxaana lagu wadaa in hadii uu ku guuleysto qabashada xilkaasi uu buuxin doono booskii Axmed C/salaan uu ugu jiray Dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News