XOG CUSUB: Halkuu marayaa khilaafkii AXMED MADOOBE iyo SHARIIF XASAN ka dhex oognaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf in muddo ah soo jiitamayey ayaa u dhexeeya hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubba land & K/Galbeed Axmed Madoobe & Shariif Xassan, waxaanna khilaafkani uu soo shaac baxay intuu uu socday shirkii dabayaaqada bishii hore Garowe ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Shariif Xassan ayaa ka horyimid tirada laga siiyey beelaha Digil & Mirifle Baarlamaanka & Xukuumadda Juba-land; isaga oo ku tilmaamay sed-bursi cadaaladda ka fog sida maamulka Axmed Madoobe wax u qeybiyey.

Mid ka mid ah wasiirada maamulkaas, ayaa sheegay in Shariifku la yaaban yahay sababta beelaha Hawiye oo ka mid ah beelaha degan Jubbooyinka aysan uga hadleyn cadaalad darrada maamulka Kismaayo fadhiya.

Shariif Xassan wuxuu yiri: Digil & Mirifle bareerahooda waaba caddeysteen ee waxaan la yaabanahay waxa beesha Hawiye ku dhacay ee ay la aamusan yihiin, iyaga oo tiro ahaan kaga badan Digil & Mirifle Jubbooyinka ? Ayuu yiri mas’uulkaas.

Mas’uulkan oo diiday in magaciisa la xuso wuxuu sheegay in maalmaha soo socda Muqdisho ay ku kulmi doonaan siyaasiyiin & aqoonyahanno ka soo jeeda beesha Hawiye & Shariif Xassan; kulankaasi waxaa looga hadli doonaa sidii ay mowqif isku mid ah uga qaadan lahaayeen qaddiyada Jubbooyinka.

Labada Hogaamiye ayaa ah kuwa siyaasad ahaan ku daaban Dowladaha Itoobiya & Kenya; waxaanna dhanka kale soconayo dedaalo ay Itoobiya garwadeen ka tahay oo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com