Guddoomiyaha baarlamanka oo FARRIIN adag u diray Shariif Xasan Sheekh Aadan kana digay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan {Jawaari} toddobaadkii hore wuxuu ka sheegay fadhiga Baarlamaanka inaysan sharciyad ku fadhin in maamul goboleedyada dalka loogu yeero Dowlad goboleed.

Waxaa maqlay dad dhahaya Dowlad goboleed, ma ahan Dowlad Goboleed ee waa Maamulo Ku meel gaar ah, Dowlad Goboleed waxaa noqon kara uu Baarlamaanka ansixiyo” Ayuu yiri Jawaari.

Malaaq Xuseen Guduudow oo ka mid ah aqoonyahanada reer Baydhabo, ayaa ku tilmaamay Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari fuley marmar hadal run ah uu ka soo baxsado, haddana aan ku adkeysan karin, isaga oo intaa ku daray in farriinta uu gudbinayey ay ku socotay Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

“Jawaari waa fuley, marmar waxaa ka soo baxsada hadal dhab ah, dhibaatadu waxeey ka taagan tahay hadalkii oo uu ku gar leeyahay ayuusan ku adkeysan karin. Waxaa tusaale u soo qaadanayaa: hadda ka hor hadal dhab ah ayuu ka sheegay qaxooti ka soo jeeda Bay & Bakool in lagu dhibaateeyey Puntland, qaarkoodna ay u soo carareen Galmudug; hadalkaas wuxuu ka sheegay goob ay ku shirayeen waxgarad Digil & Mirifle ah, halkii ay aheyd inuu la soo istaago hadalkaasi waa run, wuxuu yiri hadalo la jarjaray ayaa la isu geeyey, waxaa dhici karta in hadalka uu ka hor jeediyey baarlamaanka hortiisa inuu yiraa: hadalkeygii ayaa la qaloociyey” Ayuu yiri Malaaq Xuseen Guduudow oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho, wuxuuna xusay in uusan fahmi karin in dastuurkii dalka uu noqdo mid qolo kasta sida ay doonto u fasirato.

“Waxaa in la isweydiiyo mudan maxaa xilligan ku soo beegay Jawaari inuu yiraa maamul goboleedyada yaan la oran dowlad goboleedyo.? Maadaama uu yahay Guddoomiyaha hay’adda sharci dejinta dalka wuxuu yeeli karay inuu baarlamaanka hor geeyo, si sharci ahna looga soo saaro go’aanno, sharcigii oo dhan waxaa laga dhigay hebel ku xumee & awr kacsi daneysi ku dhisan” Ayuu yiri Malaaq Xuseen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com