Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kasoo dagay safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cumar Cabdirashiid Cali.
Cumar Cabdirashiid, ayaa saaka waxaa magaalada Muqdisho keentay diyaarad qaas ah oo kasoo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu kasoo tagay dalka Mareykanka.
Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Cumar Cabdirashiid Cali, in la dajiyay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana loo xeray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.
CCC, ayaa la qorsheynayaa in saacadaha soo socda loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya, kadib markii ra’iisul wasaare hore C/welli Sheikh oo xildhibanaada baarlamaanka ay kalsoonida ay kala laabteen.
Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay oo seddex ra’iisul wasaare soo magaacabo isagoo xilka hayo, laakiin dowladihii ka horeeyay ee KMG ahaa ayaa soo magaacabayay ku dhawaad labo ra’iiisul wasaare.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

