Xog: Cumar Filish oo qaati ka taagan xubno ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in magaalada muqdisho ay ka jirto dhibaatooyin badan oo aan la mahdin, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.

Cumar Filish oo aan hadalkaan ka dhihin meel fagaaro ah ayaa dhowr qof oo siyaabo kala duwan ula kulantay oo ay ku jiraan odoyaal u qiray in uu wajahayo culeysyo ka weyn wixii uu filiyay markii loo magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho.

Caqabadda ugu weyn waxa uu sheegay in uu kala kulmayo xubno ka tirsan xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka, dhibaatooyinkaas ayuu sheegay in ay ku rideen niyad jab iyo rajo xumo sida ay noo xaqiijiyeen dadkii la kulmay Cumar Filish.

“Dhibka aad ku qabtaan booliiska, shacabka oo dhana ay ku qabaan, weriyaashana ay ku qabaan ayaa anna ku qabaa waliba isku mid ayaa ka nahay” ayuu ku yiri qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada muqdisho oo la kulmay duqa muqdisho.

“Waxaan isku dayay inaa kow wax ka qabto dhibaatada shacabka si aan u abuuro xiriirka shacabka iyo ciidamada lagana wadashaqeeyo amaanka laakiin waa laga horyimid waliba dagaal ayaa laygula galay dad sare ayaana ku jira kuwa igula dagaalay” ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Cumar Filish ayaa odayaasha u sheegay in dhibka uusan ku qaban oo kaliya saraakiisha ciidamada booliiska balse uu wajahayo dagaal kale oo culus kaas oo saameen ku leh shaqadiisa iyo masuuliyadii loo idmaday.

“Kaliya saraakiisha ma ahan dhibka aan qabno hadii aa nahay gobalka ee waxaa dhib intaas ka weyn aan kala kulmeynaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, waana ka dhaqaaqi la’nahay” ayuu yiri Cumar Filish oo la hadlay qaar kamid ah odayaasha Muqdisho.

Hadalka Cumar Filish ayaa imanaya ayada oo uu sii xumaanayo xiriirka kala dhaxeeya booliska, waxaana dhowaan ay isku dhaceen taliye ku-xigeenka koowaad ee booliiska Cusmaan Kaniif. Halka ka aqri xogtaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com