Tuesday, July 28, 2026

Xukuumada Somaliland oo saartay digniin deg deg ah

[new_author_name]

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta digniin ka soo saartay duufaan la saadaaliyey inay ku soo wajahan tahay xeebaha Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in duufaan ay derajadeedu tahay 4 ay ku soo wajahantahay xeebahooda, iyadoona ay saameyntooda hore ay ka bilaabantay xeebaha Cumaan.

Faysal Cali Sheekh, Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland, oo maanta gudaha magaalada Hargeysa kula hadlayey warbaahinta, ayaa waxa uu fariin digniin ah u direy dadweynaha, wuxuuna yiri

“Waxa jira Duufaano xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, duufaannadaa oo derajadooda illaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu illaa hadda ka bilaabantay Xeebaha Cumaan”.

“Waxaana la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland, gaar ahaan Laasqoray, Maydh, Xiis, Onqor, Berbera, Bulloxaar, Ceel Sheekh, inay halkaa soo gaadho ayaa la filayaa, Ilaahay og, laakiin Waajibaadka na saarani waa inaanu Ummadda uga digno Wakhti ka hor, markaa waxaanu jecelahay inaanu Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan dadka ku nool deegaannadaasi inay ka digtoonaadaan”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxaanu uga digaynaa Kalluumaysatada reer Somaliland ee deegaannadaa ee hadda ku jira Badda inay ka soo baxaan, kuwa doonaya inay hadda galaana inay ka joogsadaan, doonyaha iyo maraakiibta Shixnadaha qaadana waanu uga digaynaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  
- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60