Xog: Gabre oo loo wado xilka IGAD ee Somalia iyo Afey oo xil cusub loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjirihii IGAD u fadhiyay Somalia Maxamed Cabdi Afeey, ayaa waxaa mar kale loo magacaabay wakiilka Cusub QM u qaabilsanaan doona Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

War kasoo baxay Golaha ammaanka QM, ayaa waxaa lagu sheegay in Afey uu noqon doono Wakiilka, iyadoo magacaabidaasi kadib dowlada Kenya looga fadhiyo inay soo dhaweyn u sameyso wakiilka cusub.

Magacaabida Afey ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Filippo Grandi oo ah madaxa Hay’adda UNCHR, waxa uuna cadeeyay in shaqsigaasi uu yeelan doono awood islamarkaana ay dowlada Kenya ka filayaan inay u sameyso soo dhaweyn.

Filippo Grandi waxa uu sheegay in Afey lagala xaajoon doono wixii khuseeya Qaxootiga ku dhaqan dalka Kenya.

Mr Filippo Grandi waxa uu sheegay in sababta rasmiga ee loo magacaabay Maxamed Cabdi Afeey ay tahay in uu kasoo warbixiyo xaalada dhabta ah ee Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Afeey ayaa weli ah wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somalia, waxaana suuragal ah in Afey lagu bedelo ninka lagu magacaabo Gen. Gabre oo isna xubin ka ah IGAD.

Dowlada Ethiopia ayaa ololo ugu jirta in Gabre lagu bedelo booska Afey maadaama uu xubin ka yahay IGAD, waxa ayna taasi sii xoojineysaa faragalinta Ethiopia ay ku heyso Somalia.

Dhinaca kale, Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in Afey ay ka qaado xilka IGAD ee Somalia, waxa ayna hadal heyntu u badan tahay in Gabre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com