Mareykanka oo war cusub ka soo saaray duqeyntii ciidamada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay war cusub oo la xiriira duqeyntii arbacadii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo.

Ashton Carter oo ah xoghayaha gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegay in dowladiisa ay baareyso duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo sababtay dhimashada 13 askari.

Ashton Carter ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay wado baaritaano ku aadan in howgalka lagu dilay ciidamo ka tirsan dowlad goboleed Galmudug.

Dowladda Mareykanka ayuu sheegay in ay bixin doono jawaab ka dib markii uu soo dhamaado baaritanada ay wadaan ee ku aadan duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo.

Ashton Carter wali Macadeyn  dadka la dilay wax yihiin lakiin waxa uu sheegay markuu soo dhamaado baarista in dowladda Mareykanku ay bixinayso jawaab .

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanku aysan ogeyn ilaa iyo hada in cid rayid ah ay wax ku noqotay duqeyntii Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com