Cabsi iyo xiisad colaadeed oo ka taagan Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed iyo cabsi xoogan ayaa ka taagan deegaankii dhawaan ciidamada Mareykanka ay duqeynta ka geysteen.

Deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ayaa lagu soo waramaya in ay gaareen ciidamo aad u farabadan  oo ka kala tagay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ayaa laga dareemaya xiisad dagaal iyadoona deegaanadiisa dadkii kunoolaa ay iska carareen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisada ka taagan deegaankaasi ay tahay mid sababtay in dad badan ay ka carareen deegaanada qaar, waxaana ay sheegayaan in xaalada ay ka dari karto haddii aan wax laga qaban.

”walaal waxaan dareemaynaa cabsi weyn oo ah inuu dagaal uu ka dhaco deegaanadeeda , maxaa yeelay waxaana dareemaynaa abaabul ay wadaan labada dhinac marka dadkii deganaa jeexdin iyo miyigeeda way guureen , xoolihii ayay la carareen” ayuu Yiri Cabdinuur oo ka mid ah dadka kunool deegaanada Jeexdin.

Dhawaan ayay aheyd markii  diyaarado dagaal ay duqeyn u geysteen saldhig ciidanka dowlad goboleed Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Jeexdin ee bariga gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com