Xog: Maareeye oo dhaqan galinaya amarka Villa Somalia iyo caburin ka dhanka ah musharaxiinta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaarada Maxamed Cabdi Xayir Maareye uu si cad u mamnuucay in warbaahinta dowlada laga sii daayo codadka, ololaha iyo wareysiyada Musharaxiinta la loolameysa Xassan Sheekh.

Maareye, ayaa maamulka warbaahinta iyo warfidiyeenada ku cadaadiyay inay ka gaabsadaan wixii khuseeya Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Maareye, ayaa la sheegay in digniino uu kasoo saaray in la baahiyo wixii khuseeya ololaha Musharaxiinta kale, waxa uuna qalinka ku duugay keliya in la baahinkaro wixii khuseeya Xassan Sheekh oo ah Musharax lamid ah Musharaxiinta kale maadaama sharci ahaan uu wakhtiga ka idlaaday.

Mid kamid ah howlwadeenada Wasaarada ayaa xaqiijiyay in Maareye qudhiisa lagu cadaadiyay in warbaahinta Qaranka ee uu mas’uulka ka yahay aanu laga siideynkarin wixii khuseeya Musharaxiinta kale.

Culeyskaani ayaa la sheegay in Maareye uu uga imaaday dhanka Madaxtooyada Somalia, waxa uuna qeyb ka yahay qorshooyinka lagu qafiifinaayo ololaha Musharaxiinta inkastoo howlahood si toos ah looga baahiyo kuwa kale ee ka shacbiyada badan warbaahinta dowlada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca shirar iyo munaasabado ay qabtaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Qaran kuwaasi oo laga baahiyo dhammaan warbaahinada noocyadooda kala duwan, markii laga reebo kuwa dowlada ee uu maamulo Wasiir Maareye.

Arrintaani ayaa u muuqaneysa mid lagu caburinaayo warfidiyeenada dowada, maadaama aysan qaadan Mushaaraad toos ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com