Xog: Imaaraadka oo saldhig milatari ka sameysanaya Somaliland iyo dagaalka Turkiga oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dubai ee iskutaga imaaraatka carabta ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu saxiixay hishiis imaaraatka saldhig kaga sameysanayo deegaanada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo masuuliyiin la socotay ayaa la sheegay in Imaaraatka ay u saxiixeen hishiis dhigaya in imaaraatka saldhig ka sameysto magaalada Berbera.

Imaaraatka carabta ayaa saldhigaan ku sheegay inuu yahay mid qeyb weyn ka qaadan doono xaqiijinta amaanka xeebaha iyo la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Siyaasiyiin kala duwan oo qoraallo kaga jawaabay arrintan ku saabsan heshiiska ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo ku  degdegay heshiiskan iyaga oo sidoo kale ku sheegay in qorshaha dalka Imaaraatku uu yahay inuu rabo saamayn isaga faa’iido u leh inuu ku yeesho Somaliland iyada oo dhawaanna  lagu wareejiyey maamulka dekadda Berbera oo dadka qaar wali ka biyo diidan yihiin.

Bilawgii sannadkan  ayaa magaalada Berbera waxa tagay wefti ka socda dawladda Imaratka kuwaasi oo madaxweyne Siilaanyo kulan ay la yeesheen lagu soo hadal qaaday heshiiskan hadda ee saldhigga Imaaraadka .

Arintan ayaa sii xoojineysa dagaalka Imaaraatka uu ku hayo dowlada Turkiga oo saldhig weyn ka furaneyso magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com