Xog: Tirada ciidamada saldhiga Turkiga uu ka furtay Somalia oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa lagu wadaa in dhawaan Somalia ay ka furato Saldhig ciidan oo ay kala socoto xaalada guud ee Somalia.

Saldhigaani oo aad u weyn ayaa la sheegay in lasoo afmeeray qalabeyntiisa, waxaana la filayaa in Asbuucyada soo socda irdaha loo furi doono, sida laga soo xigtay saxaafada Turkiga.

Saldhigaani Millitery ayaa waxa uu fariisin u noqon doona Saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga ee Somalia ka caawin doona dhinacyada tababarada iyo caawinta qaababka loola dagaalamo cadowga.

Saldhigaani ayaa noqon doona kii ugu horeeyay oo Turkiga uu ka furan doono Somalia, waxa ayna dowlada Turkiga sheegtay in furitaankiisa uu waxbadan ka bedeli doono xaalada Somalia, waxa uuna dhismihiisa ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, ujeedada ugu weyn ee Saldhigaani loo furay ayaa ah in dowladda Turkigu ay ka fuliso howlgalkeeda Militari ee Qaarada Afrika waxaana dhawaan kasoo degi doona ciidamo dhan 2,000 oo askri.

Docda kale, Saraakiisha hogaamin doonta ciidamada kasoo degi doona Saldhiga ayaa waxaa loo qorsheeyay inay tababaro ciidan siiyaan ku dhawaad 10,500 askari oo ka tirsan kuwa xooga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com