Xog: Sababtii keentay inuu Faarax Macallin feero wasiirka boostada iyo isgaarsiinta DF + Video

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa feerkii dhexmaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka Somalia Maxamed Jaamac Mursal iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Farax Macalim.

Dagaalka labada mas’uul ka bilowday Kaftan Siyaasadeed ku aadan Siyaasada Somalia, ayaa waxaa kusoo baxay dad ku sugnaa Hoteelka ay labada mas’uul isku arkeen oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Mid kamid ah mas’uuliyiintii ka agdhawaa dagaalka isla markaana kamid ahaa raggii kala qabtay labada mas’uul oo u waramaayay Saraashiisha Booliska ka ayaa sheegay in dagaalkooda uu markii hore ka bilowday kaftan, waxa uuna tilmaamay inay ka doodayeen Siyaasada Somalia iyo kaalinta ay Ethiopia ku leedahay xasil darida kataagan Somalia.

Waxa uu sheegay inuu arkaayay Faarax Macalim oo farahiisa indhaha ka galinaayay Wasiirka waxaana xigtay inay iskala ka ceen fadhiga sidaana uu ku bilowday feerka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anigu waxaan arkaayay labadooda oo ku sheekeysanaayay Siyaasada Somalia, waxaan qadar yar un kadib arkay sheekadii oo muran isku bedeshay waxaana xigay inay fadhiga kawada kaceen oo ay gacanta iskula tageen” ayuu yiri isagoo u waramaayay Saraakiisha Booliska ee dagaalka kusoo baxay.

Mas’uulkaani mar ay Saraakiisha wax ka weydiiyeen hadalada ay is weydaarsanayeen labada mas’uul ayuu sheegay in Faarax Macalin uu si cod dheera ugu qeylinaayay in Wasiirka uu yahay adeege ay soo dirsatay Ethiopia, balse waxa uu intaa ku daray in Wasiirka uu ahaa mid codka la ganbanaayay.

Sidoo kale, Saraakiisha Booliska ee arrintaani la wareegtay ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dagaalkii Khamiistii doraad aheyd Hotel ku yaal Nairobi ku dhexmaray Wasiir Maxamed Jaamac Mursal iyo Farax Macalim.

Dagaalkan feerka iyo laadka ah ayaa waxaa qabtay kamerooyinka ku rakibnaa Hotelka, arrintan oo ay saxaafada Kenya si weyn uga hadashay.

Geesta kale, labada mas’uul ayaa markii dib loogu laabto Qabiilka waxa ay yihiin kuwo aad isugu dhow, balse ku kala aragti duwan wadaniyada iyo Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com