Xog cusub : Qorshaha koowaad ee doorashada Xasan: 60 xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog ka heshay qorshaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo soo xero gelinta xildhibaanada codka siin lahaa.

Qorshaha madaxweynaha ayaa ka kooban laba qorshe. Midka koowaad waa xildhibaano daacad ah oo lasoo xulo ka hor inta aan baarlamanka la dhisin, qorshaha labaadna waa iibsahada xildhibaanno dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa magacaabay guddi ka kooban lix qof oo uu hoggaaminayo Faarax C/qaadir oo shaqadoodu tahay soo xulista 60 xildhibaan oo 100% daacad u ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddigan ayaa midkiiba laga doonaya inuu keeno 9 qof oo xildhibaannimo loo raadiyo, kuwaas oo daacad u ah Xasan Sheekh. Guud ahaan waa 54 xildhibaan (9×6), oo lagu daray lixda qof ee guddiga oo iyagana xildhibaano noqon doona, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 60 xildhibaan.

Lixdanka xildhibaan ayaa waxaa lagu dari doonaa xildhibaano kale oo lacag lagu raadinayo.

Siyaasaddan ayaa u muuqata mid cajiib ah balse halisteeda wadata, waayo marka laga soo tago 60-ka xildhibaan, waxaa su’aal ka iman karta sida la isugu haleyn karo xildhibaanada codkooda la iibsanayo.

Xasan ayaa u baahnaan doona codadka 138 xildhibaan, si uu madaxweyne u noqdo mar kale, haddii dhammaan 275-ka xildhibaan ay soo xaadiraan kulanka doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com