Qeybta 3-aad: Musharaxiinta rasmiga ah iyo Musharaxiinta Qooto Qooto

Qeybta 2-aad
Qeybta 1-aad

Cumar Cabdirashii Cali Sharma’arke: Waa budo gaar u tuman, rajada laga qabana in la doorto iska daayee, haddii xildhibaanada imaan doona ay Soomaalinimada dhab ka tahay oo dhiigooda nadiif ka yahay “Aniga Rootiyaan Rabaa” waxay ansixin doonaan in lala xisaabtamo shaqsiyaadka Cumar Cabdirashiid uu kow ka yahay, ama maskaxdii ka danbeysay in muran la geliyo oo Kenya soo haweysato baddeena, amarkiisana lagu saxiixay heshiiska ay Kenya ku doodeyso.

Labadii xukuumadood ee tii KMG iyo mida hadda waqtiga ka dhamaaday ee Cumar Cabdirashiid waxay ku caan baxeen in heshiisyo aan sharci aheyn oo lasoo marin baarlamaanka galaan, la xisaabtanna lagu sameyn, taasoo ka dhigan qaa’inul wadan qaawan.

Mohamed Abdullahi Farmaajo: -Murashaxa Tayo, muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaasadeed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiyaddiisa heysto, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu xilka ku waayay, marka uu la soo baxay siyaasado waddaniyad ku dhisan, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo muujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha.

Qormada xigta waxaan kusoo qaadaneynaa Cabdinaasir Maxamed iyo Sheekh Shariif, insha Allah.

Cali Muxiyaddiin Cali
Caasimada Online
Muxiyaddiin@hotmail.com