Xog: Maxaa ka jira in Guuleed loo ballan qaaday lacag magdhaw ah

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hordhac ah oo sheegaya in kulankii dhexmaray Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wakiil ka socday dowlada Maraykanka, gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga dalkaasi ay isla gaaren xal ku aadan duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo.

C/kariin Guuleed ayaa ku dooday in dadka la laayay ay ahaayen ciidamo taabacsanaa maamulkiisa, sidaa darteedna waxa uu Wakiilka ku wargaliyay inay kaga baahan yihiin jawaab waafi ah.

Wakiilka ayaa la sheegayaa in C/kariin Guuleed uu ku wargaliyay inay sameynayaan baaritaan dheeri ah, haddii ay rumowdo in dadkii la laayay ay ahaayen ciidamada Galmudug ay bixin doonaan lacago magdhaw ah oo lasiin doono maamulka iyo qoysaskii ay marxuumiinta kasoo jeeden.

Wakiilku waxaa la sheegay inuu ballanqaaday in Galmudug ay gudoonsiin doonaan Magdhaw ay ku qancaan haddii ay dhabowdo in dadka dhintay ay ahaayen ciidamadooda.

Wakiilka waxa uu sidoo kale C/kariin Guuleed weydiyay inuu la imaado cadeymo ku aadan in dadka la laayay ay ahaayen ciidamadiisa, waxa uuna ballanqaaday in kulan kale ay isku arki doonaan iyaga oo intaa ka badan.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in C/kariin Guuleed uu aqbalay inuu la imaado cadeyn, si kulanka labaad xal waara looga gaaro dhiiga dadkii ku dhamaaday duqeynta.

Guuleed waxa uu sidoo kale aqbalay in lasiiyo lacago magdhaw ah, haddii ay rumowdo dhacdadaasi, sida aanu xogta ku helnay.

Geesta kale, Dowlada Mareykanka qudheeda ayaa garwaaqsan in dadka ku dhintay duqeynteeda ay ahaayen ciidamo ka tirsan Galmudug, balse waxa ay arrintu tahay mid isku bedeshay Siyaasad, iyadoo la rumeysan yahay in Mareykanku dhacdadaasi ka dhacday duleedka Gaalkacyo u arko inay kasoo gaareyso fadeexad.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com