R/W CC oo dareen ka muujiyay fashil kusoo fool leh doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shaki ballaaran ka muujiyay qaabka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’isul wasaare Cumar oo markii hore ku qanacsanaa qaabka ay howlaha u socdaan, ayaa waxa uu iminka muujiyay kalsooni darro oo dhanka Guddiyada doorashooyinka, waxa uuna farta ku goday in mar waliba ay dhicikaraan dib u dhacyo hor leh oo doorashada ku imaada.

Ra’isul wasaare Cumar oo socdaal maalmo dhowr ah qaatay ku gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay inuu shaki saa’id ah ka qabo hanaanka ay u shaqeynayaan dhinacyada loo xulay doorashada isagoo si gaara farta ugu goday suuragalnimada faragalin lagu sameeyo Guddiga maadaamo hal dhinac ay unugulyihiin.

Shakiga ugu badan ayuu sheegay inay tahay in Guddiga ay dhaqan ka dhigtaan dib u dhacyo joogta ah oo ku imaada doorashooyinka dalka, waxa uuna arrin niyad jab leh ku sheegay haddii mar kale laga weecdo jadwalka doorashooyinka.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in doorashada ay dib u dhicikarto keliya goortii aan laheyn dhaqaalaha, hayeeshee hadda ay gacanta ku hayaan dhaqaalaha loogu tallo galay doorashada.

Dhinaca kale, Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ayuu sidoo kale ugu baaqay in ololahooda ay u wataan si degan oo aysan dalka u horseedin dhibaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com