Xog kasoo baxaysa qarax culus oo lala beegsaday maqaaxi ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar horudhac ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax goordhow ka dhacay Afaafka hore Maqaayada Bule Sky ee ku taalla agagaarka Taalada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lala eegtay Maqaaxida xili inta badan dadka ku ganacsada agagaarka Maqaaxida ay u qada doonteen Maqaaxida.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah, waxaana xiliga Qaraxa Maqaaxida ku jiray dad farabadan oo u badnaa shaqaale Dowladeed, waxa ayna Maqaaxida ku dhowdaha Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaaya in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa Seddex ruux, sidoo kalane uu dhaawac kasoo gaaray ku dhawaad 9-ruux oo ay ku jiraan shaqaale Dowladeed.

Dadka qaar ayaa sheegaya in geeridu ay ka badan tahay laba Ruux, waxaana iminka kala daadgureynta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ku howlan gaadiidka Gurmadka qaada ee loo yaqaan Ambalasta.

Waxaa iminka xiran gabi ahaan wadada waxaana halkaasi laga qaadayaa dadkii ay khasaaraha soo gaartay.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay Qaraxa iyo waxyeelada saxda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com