Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay caqabad ka taagan tahay magacaabidda Golaha Wasiirada cusub Somaliya, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, uu hujuum xoog leh ka soo wajahay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ku dhow dhow, oo la tilmaamo in ay ka tirsan yihiin Urur Diimeedka Dam Jadiid, oo ah garab ka tirsan Ururka Al-Islaax, oo Dowladda Qatar ay maalgeliso.
Is qab-qabsiga ugu weyn, ayaa wuxuu ka dhashay Wasiirka Maaliyadda Somaliya shakhsigii loo magacaabi lahaa, iyadoo Ra’iisal Wasaaruhu uu la doonaayo shakhsi ka soo jeeda Beesha Mareexaan, xilli uu ka balan-qaaday, halka Madaxda Dam Jadiid ay la doonayaan in loo magacaabi Xuseen Cabdi Xalane, oo hadda ah Sii Haayaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliya.
Ra’iisal Wasaaraha oo 2-dii bishaan Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Mareexaan, ayaa waxay u sheegeen inaanay aqbali doonin, haddii Wasiirka Maaliyadda loo qoondeeyo beel aan iyagu ahayn.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaaya inaanu Ra’iisal Wasaaraha u joojin doonin Madaxda ku xeeran, isla-markaana uu qorsheynaayo in Wasiirka Maaliyadda Xukuumaddiisa uu u magacaabo shakhsi ka soo jeeda Beesha Mareexaan.

Amin Arts oo sawir gacmeed ka sameeyay hujuumka lagu haayo Ra’iisal Wasaaraha.
Sidoo kale khilaafka labaad, ayaa wuxuu ka dhashay iyadoo Dam Jadiid la doonayaan in Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabo C/kariin Xuseen Guuleed, halka Ra’iisal Wasaaruhu uu la doonaayo Axmed C/salaan Xaaji Aadan, oo hadda ah Safiirka Somaliya ee dalka Itoobiya ama Mahad Salaad.
Ra’iisal Wasaaruhu ma doonaayo in C/kariin Xuseen Guuleed uu mar labaad ka soo dhex muuqdo Golaha Wasiirada, haddii uu horey ugu soo fashilmay Wasaaraddaasi. Ra’iisal Wasaaraha wuxuu daneynayaa in Xukuumaddiisaan ay noqoto mid dalka gaarsiisa hiigsiga sanadka 2016-ka, ha yeeshee waxaa kuu muuqaneyso inaanu u madax banaanayn hawsha loo igmaday.
Khamiistii waxaa la doonaayay in Ra’iisal Wasaaraha uu ku soo dhawaaqo Liiska Magacyada Golaha Wasiirada, balse uu warqad ka helay Xafiiska Madaxweynaha. Waxaana looga dalbaday in dib uu u dhigo, ilaa iyo inta uu dalka kaga soo laabanaayo Sii Haayaha Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, si ay uga yeeshaan mowqif isku mid ah.
Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa Jimcihii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, markii uu shir afar maalmood qaatay uu kaga qaybgalay Magaalada Ankara ee Xarunta Turkiga. Shirkaasi waxaa looga hadlaayay dib u dhiska laamaha Garsoorka Somaliya.
Faarax, ayaa wuxuu maanta ka soo muuqday shirkii Wasiirada Arrimaha Dibaadda Igad ku yeesheen Magaalada Muqdisho, inkastoo aanu fursad u helin in khudbad uu kaga jeediyo shirkaasi.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa wuxuu heystaa in ka yar laba toddobaad si uu ugu soo magacaabo Golahiisa Wasiirada.
Ma cadda in Faarax uu dibcin doono mowqifka Dam Jadiid iyo in kale, si looga gudbo khilaafka ugubka ah ee ka dhex tolan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.
Faarax waxaa horey loogu eedeeyay in uu u sabab ahaa dhicitaankii Xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed Maxamed, bacdamaa la xusuusto in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihii hore, ay isku qabteen isku shaandhayntii uu Ra’iisal Wasaarahaasi ku sameeyay sideeda Wasiiro, ee Faarax uu ugu horeeyay.
Kartoonka uu Amin Arts ka sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xafiiska joogga mudada labada toddobaad ah, ayaa waxaa kaaga baxaaya culeyska ay Madaxda Dam Jadiid ku hayaan shaqadiisa.
Beesha Caalamka lama dhacsano Siyaasadda Madaxweynaha Somaliya iyo ragga kale ee ku dhow dhow, waxayna taasi shaki weyn ku keentay in doorasho dadweyne ka qabsoomto dalka, sanadka 2016-ka.
Isha: Dhacdo

