28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Madaxda IGAD oo Muqdisho imanaya !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo goor dhow Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia, ayaa sheegay in xiligaani Amaanka Muqdisho uu yahay mid leysu haleyn karo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qabsoomida shirkaani uu yahay mid ka turjumeyso heerka uu gaarsiisan yahay Amaanka Muqdisho oo dhowrsano ahaa mid aan wanaagsaneyn, balse hada uu yahay mid gaarsiisan heerkii loogu talo galay.

”Somalia waxa ay laf-dhabar u aheyd dhismaha ururka IGAD, hadana waxa ay go’aansatay inay muujiso kaalinteeda maadama dhowrsano aan Somalia lagu qaban shirka IGAD”

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu shirkiisa Jaraa”id ku sheegay in Dowladiisu ay dhabarka u xiraneyso qabashada shirka dhamaadka sanadkan yeelan doonaan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo uu ku sheegay in la rajeynaayo inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Isagoo taasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri “Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda waxaan soo jeediyay oo la aqbalay in Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ay yimaadaan dalka oo ay ku qabsadaan shirkooda caadiga ah, sida ay u yimaadeen Wasiirada Arrimaha dibadda ayay Madaxweynayaasha IGAD u imaan doonaan”

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa mahadcelin u jeediyay Ciidamada Ammaanka DF Somalia oo kaashanaaya kuwa AMISOM oo iyagu xaqiijiyay Amaanka xarunta shirka uu ka dhacaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishio
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News