Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay shirkii urur goboleedka IGAD ee ay lahaayeen wasiirada arimaha dibada ee urur goboleedkaasi, kaasi oo muddo 28 sano kadib ka dhacay magaalada Muqdisho.
Daa’uud Aweys, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid ahmiyad weyn ugu fadhiyay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin in la qarameeyo ciidamada dowlada Soomaaliya ee qaarkood ku sugan gobolada dalka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxdii ka qeyb gashay kulankaasi ay bogaadiyeen horumarka dhanka amaanka ee laga gaaray dalka Soomaaliya.
Shirka maanta markii uu soo idlaaday ayaa wasiiradii ka qeyb galay waxay kulamo gaar ah ku yeesheen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana shirka maanta soo xiray ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

